Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa soo saaray go’aano ku saabsan mooshinkii labada bilood soo jiitamayay ee laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna soo saaray qodobadii Mooshinka ee la xaliyay iyo fasirka micnaha ereyga “Qiyaamo Qaran”.

Go’aanadan ayaa ka danbeeyay markii uu soo dhammaaday kulankii Villa Hargeysa ee dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mida xildhibaanada saxiixay Mooshinka madaxweynaha.
AKHRISO QODOBADII MOOSHINKA EE LA XALIYAY
Halkan ka furo qaabka loo xaliyay qodobadii Mooshinka (Dokumenti muhiim ah) DEGSO
[pdf-embedder url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/10/Wadahadalka-Xallinta-Mooshinka-12.08.20151.pdf”]
AKHRISO FASIRKA EREYGA” QIYAAMO QARAN”
Micnaha Khiyaamo Sare ee Qaran:
Khiyaamo sare ee qaran waa arrin uu si cad u qeexay qodobka 184aad ee Sharciga ciqaabta u degsan dalka, oo halkan hoose ku minguursan:
Falalka lid ku ah bedqabka dhulka, ama madaxbannaanida ama midnimada Dawladda Soomaaliya waa: khiyaamo sare ee Qaran.
Qodobka 184 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya
Qof kasta oo ku kaca fal toos ah, oo dhulka Dawladda soomaaliyeed gebi ahaan ama qayb ka mid ah hoos geeya sayaadadda dawlad kale oo shisheeye ah, ama geysta fal wax u dhima madaxbannaanida ama kala dira midnimada dawladda (waa khiyaamo saree qaran), waxaana lagu muteysanaya ciqaab dil ah.
المادة 184 من قانون العقوبات الصومالي
المادة 184 من قانون العقوبات الصومالي تنص على ما يلي: “كل من يرتكب فعل مباشر لإخضاع أراضي الدولة أو جزء منه لسيادة دولة أجنبية، أو للحد من الاستقلال، أو بحل وحدة الدولة، يجب أن يعاقب بالقتل “
Acts against the integrity, the independence or the unity of the Somali State: High Treason
Article 184 of the Somali Penal Code reads:
“Whoever commits an act direct to subject the territory of the State or a part of it to the sovereignty of foreign State, or to diminish the independence, or to dissolve the unity of the State shall be punished with death”
Attentati contro l’integrita’, l’indipendenza o l’unita’ dello Stato Somalo; alto tradimento:
L’ articolo 184 del Codice Penale Somalo dice:
“Chiunque commette un fatto diretto a sottoporre il territorio dello Sato o una parte di esso alla sovranita’ di uno Stato starniero, ovvero a menomare l’indipendenza o disciogliere l’unita’ dello Stato, e’ punito con la morte”.
Tell: +252-612224442 / +252-615577472 E-mail. [email protected] Website: www.parliament.gov.so
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation office of Speaker