Dood dadweyne oo ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo Muqdisho ka bilaabatay [Akhriso]

0

Dood dadweyne oo ku saabsan Miisaaniyadda dowladda ee 2018 ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Kulan uu soo qabanqaabiyay guddiga Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha Shacabka oo ah kulan dhageysi dadweyne ah ayaa looga doodayaa miisaaniyadda dowladda ee hadda hortaalla Baarlamaanka Federaalka.

Waxaa ka qeyb galaya dad ka kala socda qeybaha bulshada oo lahu casuumay kulanka, waxaana ujeedka kulanku yahay sidii Guddiga Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha  ay dadweynaha ugula tashan lahaayeen Miisaaniyadda dowladda 2018.

Waa markii labaad ee Miisaaniyadda dowladda la geliyo dood dadweyne, iyadoo misaaniyadii hore ee qabyada ahayd sidan oo kale looga dooday inkastoo aan wax badan laga bedelin.

Miisaaniyadda dowladda ee  2018 ayaa dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar). Waxaana ka dhex muuqda lacag loo kordhiyay dhinacyada adeegga.