Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida hareeyay saacadihii lasoo dhaafay dood ku saabsan Garoonka degmada Baraawe ee uu shalay xariga ka jaray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Doodda ayaa xoogeysatay markii la arkay muuqaalka garoonka oo Bacaad miiran ahaa, waxaana xaaladda uga sii daray markii qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha lagu sheegay inay ku baxday lacag dhan 4.3 Milyan Doolar, iyadoo Midowga Yurub uu sheegay inuu bixiyay qarashka ku baxay dhismaha Garoonka Baraawe.
Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida groonkaas carrada ah ay ugu baxday lacagta intaas la eg, waxayna qaarkood is barbardhig ku smeeyeen Hotel laga furay Garowe, Garoonka Garowe iyo meelo kale iyadoo warka ug uweyn ee baraha bulshada uu noqday garoonka laga dhisay Baraawe oo socday dhowaad 3 sano.
Dhismaha garoonka diyaaradaha ee la dhammeystiray oo leh waddo ay diyaaraddu ku oroddo oo dhererkeedu yahay 2km iyo dhisme loogu talagalay rakaabka
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha
Ma jirto cid faahfaahin ka bixisay qaabka uu kharashkaasi u baxay marka laga reebo xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo sheegay inay ku baxday $4,300,000 (Afar milyan iyo saddex boqol kun doolar), sidoo kale ma jirto faahfaahin kale oo ku saabsan in lacagta uu wada bixiyey Midowga Yurub iyo qeyb ka mida ay bixisay dowladda Federaalka.
Mid ka mida dadka baraha bulshada ku faaqiday garoonkan ayaa ku dooday in shaqada la qabtay ay tahay oo kaliya Gaadiidka Cagafyada ee carrada toosiyey oo kaliya.
