Tuesday, July 1, 2025

XOG: Madaxweynaha Kenya oo khilaafka Somalia & Kenya la kaashanaya Abiy Ahmed (Wafdi loo diray Addis)

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wasiirkiisa Arrimaha gudaha Fred Matiang’i  u diray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Fred Matiang’i  ayaa magaalada Addis ababa kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoo u gudbiyey farriin uu ka siday Madaxweynaha Kenya oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka dhex taagan xilligan Soomaaliya iyo Kenya oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu gacan ka geysto.

Wasiirka Arrimaha gudaha Kemua Fred Matiang’i ayaa sheegay in isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Kenya uu wadahadallo muhiim ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayna isla soo qaadeen iskaashiga labada dal si xal loogu helo xaaladda ka taagan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Abiy Ahmed ayaa hore u dhexdhexaadiyay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo magaalada Nairobi geeyay Madaxweynaha Soomaaliya. Kenya ayaa u aragta Abiy Ahmed inuu gacan ka siin karo sidii ay ula heshiin lahaayeen Madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay martiqaad uu ka helay madaxweynaha Kenya oo la filayo inuu socdaal ku tago magaalada Nairobi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON