Wednesday, July 16, 2025

Doodii ka dhalatay Barkhad Batuun iyo Xaaskiisa oo lagu xaliyey Sheekh la dhaariyay

Doodii ka dhalatay xaaska Mudane ka tiran Golaha Wakiilada Somaliland Barkhad Jamaac Batuun ayaa maanta lagu soo afjaray magaalada Hargeysa.

Arrintan oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyey ayaa kusoo dhammaatay kulan ay isugu yimaadeen labada dhinac ee ka kala socday haweeneyda Mushtaaq Cabdi Cusmaan iyo Barkhad Batuun, waxaana goobta lagu dhaariyey Sheekh caddeeya inuu isagu magaalada Boorame isku mehriyey lammaanaha.

Guddi madax-dhaqameed & odayaal labada dhinac ayaa arrintan dhex galay si xal looga gaaro, waxaana dhaarinta Sheekha isu meheriyey mushtaaq iyo Barkhad iyo labadii markhaati ee ku qornaa warqada meherka, kadib la shaaciyey inay ku qanceen ehelada Mushtaaq oo goobta ku sugnaa.

Kiiskan oo ahaa mid siyaasad dhinac kasoo gashay ayaa noqday mid dad badan oo waxgarad ah ka horjeesteen in arrimo qoys lagu faadiqo baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON