Doodwadaagii Musharaxiinta oo beri la qabanayo (Akhriso jadwalka Musharixiinta doodaya]

0

Dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay in dib loo qabanayo maalinta beri ee Isniinta ah.

Doodan oo hore la isugu khilaafay isla markaana la laalay ayaa mar kale la go’aamiyay in la qabto, waxaana musharixiinta loo qeybiyay laba qeyb oo midkiiba ay tahay 11 iyo 12 musharax.

Qeybta hore waxay dooda geli doonaan muddo 2 saacadood ah iyagoo musharax kasta la weydiin doono su’aalo uu ka jawaabayo. Waxaana qeybta hore ka mida Shariif Sheekh Axmed, Siciid Dani, C/raxmaan C/shakuur, Jibriil Ibrahim Cabdulle iyo musharixiin kale.

Qeybta labaad ee gelinta danbe oo loo qoondeeyay inay bilaabato 2:00 Duhurnimo waxaa ka qeyb qaadanaya Xasan Sheekh Maxamuud, Cumar C/rashiid, Maxamuud Axmed Tarsan, C/qaadir Cosoble iyo musharixiin kale.

Dooda waxaa hogaamin doona Prof. Cumar Aadan Qaadi oo guddoomiyaha Baarlamaanka u magacaabay inuu doodaasi hago.