Monday, August 4, 2025

Doorashada Xildhibaanno cusub oo ka mid noqonaya Barlamanka Somaliya oo maanta ka socota…

Waxaa magaalada Baydhaba ka socota doorashada 3 kursi oo ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay kuraastaasi banneeyaan saddex xildhibaan oo hore.

Xildhibaannada saddexda kursi baneeyey xubnaha kala ah: Xuseen Cusmaan Xuseen, oo xilkaas horay isaga casilay markii uu noqday Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya, Axmed Cabdulle Mayow (Korneel Ruush) oo isaga oo ah Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho 30-kii Disembar, 2018 iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen, oo markii uu noqday Madaxweynaha KGS ka baxay Golaha Shacabka.

Waxaa xilligan socota doorashada kursiga uu baneeyey  Xuseen Cusmaan Xuseen, waxaana ku tartamaya Musharrax Cali Sh. Cabdullaahi (Cali Afgooye) iyo Musharrax Siidcali Cismaan Xuseen oo ay walaalo yihiin xildhibaankii hore u baneeyey kursiga.

Waxaa goobtadDoorashada ka dhacyeso ku sugan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada KGS, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiiro ka tirsan KGS, Xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka ah, iyadoo doorahada kursiga koowaad kadib uu bilaaan doono kursiga labaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON