Dadka Turkiga ayaa u dareeri doono Goobaha Cod-bixinta Axada soo socoto oo ku beegan 24 bishan 2018, si aay u doortaan madaxweynaha iyo xubanaha golaha shacabka oo ka kooban 600 oo xildhibaan.
Sida laga soo xigtay Guddiga Doorashooyinka waxaa codkooda dhiiban doono 56 milyan 322kun iyo 632 codbaxiye oo ku nool dalka Turkiga gudahiisa, halka qurbo joogta Turkiga aay u bilaabatay Doorashada maalmo ka hor lagu sheegay Tiradooda 3milyan 47kun iyo 328 Codbixiye.
Doorashada Madaxweyne iyo Tan Barlamaanka oo ah tii ugu horeeysay ee hal mar la wada qabto ayaa sii kordhisay xamaasada tartanka doorashada, sidoo kale waxeey sii adkeysay in la sii qiyaaso natiijada ka soo bixi karto doorashada. Sidoo kale doorashada Waxeey ku soo beegantay xili Madaxweyne Erdugan uu horseed ka yahay in Nidaamka Madaxweyna loo guuro halka mucaaradka aay ka soo horjeedaan Nidaamkaas.
Doorashada Xildhibanada oo ah mid aad u adag waxaa ku tartami doono 11 Xisbi siyaasadeed , oo u kala qeybsan labo isbaheeysi oo kala ah :
Isbaheeysiga Dadweynaha oo la aasaasay February 2018 waxuuna ka kooban yahay, Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka ,Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka iyo Xisbiga Midnimada waxeyna taageersan yahiin nidaamka Madaxweynaha.
Isbaheeyga labaad oo ah Isbaheeysiga Ummada oa la aasaasay May 2018 kaas oo ka kooban, Xisbiga Dadweynaha Jamhuuriga , Xisbiga Wanaaga ,Xisbiga Saacaad iyo Xisbiga Dimuqaardiga waxeeyna ka soo horjeedaan Nidaamka Madaxweynaha, waxeeyna olola ugu jiraan in aay dib u soo celiyaan Nidaamka Barlamaaniga.
Musharixiinta Madaxweyne
1- Rejeb Deyidb Erdugan: waa Madaxweynaha talada haayo tan iyo 2014kii Waana musharaxa Isbahaysiga dadweynaha, oo ay ku jiraan Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka iyo Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka.. Erdogan oo 64 jir ah ayaa aad ula dhacsan nidaamka madaxweynaha.
2- Muharrem Ince: Waa Musharaxa Xisbiga dadweynaha Jamhuuriga (CHP), xisbiga ugu weyn ee Mucaaradka dalka. Muharram oo53jir ah, horay na u ahaa macallin ayaa Sheegay haddii la doorto uu madaxtooyada ka dhigi doono mid casri ah iyo xarun wax lagu barto. Sidoo kale waxuu ballan qaaday in uu dib u soo celin doono nidaamka siyaasadeed ee habka Baarlamaanka.
3-Meral Aksener: waxeey Musharaxa u tahay Xisbiga Siyaasada ku cusub ee Xisbiga wanaaga, Meral Aksener oo 61 jir ah oo horay u soo noqotay wasiirka arrimaha gudahaa iyo ku xigeeynka Guddomiyaha Barlamaanka , ayaa laga eryaya Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka bishii Sebtembar 2016kii ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Meral iyo Guddomiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka . Dadka qaarkood waxay ugu yeeraan Gabadhii Birta aheed, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in Meral Aksener ay noqon doonto mid Erdogan si xoog leh ula tartanto.
4-Selahattin Demirtas: waxuu Musharax u yahay Xisbiga Dimuqraadiga ee Kurdiga ah (Selahattin hadda wuu xeran yahay waxaana lagu eedeeyay taageerida argagixisada), inkastoo uusan jirin kaalin rasmi ah uu ku leeyahay hoggaaminta xisbiga, hadana ma jiraan wax sharci ah oo ka hor istaagayo in uu u tartamo madaxwaynanimada.
5-Temel Karamollaoğlu: waa Musharaxa Xisbiga Saacaad oo xambaarsan Fikradihii Najmudiin Erbakaan. waxuuna taagersan yahay Nidaamka Barlaaminga.
6-Doğan Perinçek: wa amusharaxa Xibiga Al-wadan, sida dad badan aaminsan yahiin malaha saameeyn Badan.
Doorashada Haddii uusan Musharax ku guuleysanin wax ka badan 50% codadka madaxweynaha, waxaa la aadayaa wareegga labaad. Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa muujinaayo in Isbahaysiga Dadweynaha uu hogaamiyo Madaxweyna Erdugan uu heli doono qiyaastii inta u dhaxeeyso 47% ilaa 53%.
Xisaabaadka doorashooyinka Baarlamaanka ayaa aad uga adag tan madaxweynaha, marka la fiiriyo dhibaatooyinka soo wajihi karo Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka oo aay ugu horeeyso Muddada uu talada hayay Xisbiga , Xisbiyada tirade badan iyo isbaheysiyada hadda sameeysmay, sidoo kale xulafada Xisbiga Cadaalada yo horumarka oo aad u Liito taas oo keeni karto in uu ku guuleeysan wayao Aqlabiyada Barlamaanka. Saameynta ugu badan Doorashada Barlaaanka ayaa ah sida ugu suurta gasho Xisbiga Dimuqaradiga ee Kurdiga in uu ka gudbo Xeendaabka oo ah in uu ka helo Kuraasta Barlamaanka wax ka badan 10%, haddii uu heli waayo waxeey Fursad siin Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka in uu helo kuraasta ugu badan ee Barlamanka.
Marka la eego dhammaan caqabadaha iyo xaaladahaas, doorashada Turkiga gabi ahaanba wey ka duwanaan doonto dooroshooyinkii hore, natiijooyinka qaar waxay noqon doonaan kuwo Saameyn weyn yeesho, gaar ahaan haddii mucaaradka ay ku guuleystaan madaxweynenimada (in kastoo suurtagalnimadeyda aad u yar tahay), ama aqlabiyadda Baarlamaanka ku guuleeystaan (waa wax dhici karo laakin aad u yar rajada laga qabo ).
Ugu dambeyntii, Turkiga waxay geli doonaan – doorashooyinka soo socda – tijaabo cusub oo ka duwan tan hadda jirta, waxaana go,aanka ugu denbeeyo yeelan doono Codbixiyaha Turkiga ah oo dooran doono Nidaamka Maamul iyo madaxda maamuli doonto Shanta sano ee socoto.
Mohamed Osman Salah