Wednesday, June 25, 2025

Dowlad 500 Milyan oo Ciwaan ka xaday shirkadda YAHOO [Akhriso 10-kii xatooyo ee ugu weynaa dunida}

Shirkadda Yahoo ayaa shaacisay  in burcad dhanka internetka ah oo “dawlad taageero ka haysta” ay xadeen macluumaadka 500 milyan oo ciwaan.

Arrintan ayaa noqoneysa xatooyadii ugu baaxad waynayd ee la shaaciyo marka laga hadlayo taariikhda xatooyada dhanka internetka.

Xatooyadaas waxaa ka mid ah macluumaad badan oo shaqsiyaad leeyihiin oo ay ku jiraan magacyo, email-lo iyo waliba “su’aalaha iyo jawaabaha ay shirkaddu ku xaqiijiyo in qofku uu yahay midkii saxda ahaa ee lahaa email-ka.”

Xatooyadaasi waxay dhacday sanadkii 2014 laakiin hadda unbaa la shaaciyay.

Waaxda sirdoonka ee dalka Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay baarayso sheegashadaas.

Yahoo waxay sheegtay in waxyaabaha la xaday aysan ku jirin macluumaadka kaararka bangiyada balse ay ku kooban yihiin ciwaanno email, maalmaha dhalashada, iyo furaha sirta ah ee lagu galo e-mail-lada ama (password).

Shirkaddu waxay sheegay in macluumaadkaas ay xadeen dad taageero ka haysta dawlad balse ma aysan sheegin dawladda masuulka ka ah arrintaas.

Baaq degdeg oo loo diray Macaashiisa YAHOO

Warka tilmaamaya in weerar wayn lagu qaaday shirkadda wuxuu soo baxay markii burcad magacooda ku sheegay “Peace” ay u muuqdeen in ay isku dayayeen in ay iibiyaan macluumaadka 200 milyan oo ruux.

Khamiistii ayay shirkaddu xaqiijisay in xatooyada loogaystay ay ka baaxad wayntahay sidii ay filayeen markii hore.

Yahoo macaamiisheeda oo dhan waxay kula talisay in ay badalaan furahooda sirta ah haddii aysan sidaas samaynin wixii ka dambeeyay 2014-kii.

10-kii xatooyo ee ugu cuslaa internet-ka

  • MySpace accounts – 359 milyan
  • LinkedIn accounts – 164 milyan
  • Adobe accounts – 152 milyan
  • Badoo accounts – 112 milyan
  • VK accounts – 93 milyan
  • Dropbox accounts – 68 milyan
  • tumblr accounts – 65 milyan
  • iMesh accounts – 49 milyan
  • Fling accounts – 40 milyan
  • Last.fm accounts – 37 milyan

Xigasho – haveibeenpwned.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON