Friday, April 19, 2024

Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo Qeylo dhaan soo saartay & Wararkii ugu danbeeyay

Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen inay ahaayeen dad maxaabiis ah.

Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in dadkaas markii la laayeen ka dib lagu riday meel god ah.

Inkastoo aysan eedeyntaas xaqiijin ismaamulka Oromiya, ayey haddana dad goobjoogeyaal ah sheegayaan in tiradu ay intaas ka badan tahay. Waxaa kale oo aan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta.

Ad
Oromo lagu eedeeyey inay Soomaali laayeen

Goobjooge:

Mid ka mid ah dadka ka qaxay degmada Daaro Labbo ee Gobolka Jiro oo ka tirsan deegaanka Baali oo ah halka ay dhibaatada ka dhacday ayaa sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad boolisku isugu keenay xero askareed si aysan waxyeello u soo gaarin oo loo badbaadiyo.

Qofkaas oo ah nin codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni dartood wuxuu sheegay in uu ka baxsaday dilka oo uu isaga iyo laba ilmood oo uu dhalay ay joogaan meel buur ah, halka xaaskiisa iyo afar caruur ahna uusan war ka hayn meel ay ku dambeeyaan. Wuxuu intaas ku daray inay jiraan guryo la gubay.

- Advertisement -

Jawaabta Oromada:

Madaxa Jaaliyadda Oromada ee Canada ayaa isna sheegay in ay dad ku dhinteen halkaas, hase yeeshee si kale ayuu arrinta u dhigay.

Wuxuu sheegay in, sida ay maqleen iyagu, ciidanka Liyuu Booliska ay rasaas ku fureen dad Oromo ah oo ay dileen 33 qof, ka dibna nin uu walaalkiis ka mid ahaa dadkii la dilay oo caraysan uu isna rasaas ku furay dad Soomaali ah.

Wuxuu intaa ku daray in aysan fiicnayn in aargoosi la isu laayo, wuxuuna labada dhinac ka codsaday in ay dhibaatada ku xalliyaan qaab dhaqanka waafaqsan.

- Advertisement -

Weli xukuumadda federaalka ee Itoobiya iyo ismaamulka Oromiya midkoodna kama uusan hadlin dhibaatadan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON