Dowladda Kenya ayaa war cad ka soo saartay dacwada dhinac xuduudka Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dacwadda ka bilaabaneysa maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaalada Hague ay Kenya aamisan tahay in muran xuduudeedka Badda lagu dhammeeyo wadahadal.
Dowladda Kenya ayaa weli ku doodeysa in maxkamadda adduunka aanay qaadi karin kiis ay dalalka uu ka dhaxeeyo muranka isla ogol yihiin inay wadahadal ku xalistaan arrimahooda, waxayna arrintaas u cuskatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya 7 April 2007, kaasoo uu Soomaaliya u saxiixay wasiirkii Qorsheynta iyo iskaashiga ee xilligaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hadda ah musharax Madaxweyne.
C/raxmaan C/shakuur ayaa markii dambe sheegay in saxiixa heshiiskaasi uu ahaa amar uu siiyay Ra’iisal wasaarihiisa Cumar C/rashiid oo isna hadda u sharxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
HOOS KA AKHRI QORAALKA DOWLADDA KENYA OO AF-INGIRIIS KU QORAN
Goobjooge.com