Tuesday, June 24, 2025

Dowlada Somalia oo Dacwad ku soo oogtay Markab Dhuxul ka qaaday K/Soomaaliya (Axmed Madobe oo..)

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baalle ayaa sheegay in markab dhuxul sharci-darro ah kasoo qaaday Soomaaliya uu ku xirtay deked ku taalla dalka Ciraaq.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baareyso Markabka, isla markaana dacwad aad uga xuntahay xagudubkaasi, ayna kala hadashay dowladda Ciraq iyo  ka dhan ah loo gubiyey dowladda Ciraaq, Q/Midoobay iyo hay’adaha sharciga ah ee qaabilsan arrimahan.

Markabka Soomaaliya ka qaaday dhuxusha ayaa la sheegay inuu sido 200,000 Kiish oo Dhuxul ah, iyadoo wararku sheegayaan inuu ka qaaday dekadda magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu danbeyn ku xirtay Umm Qasri ee dalka Ciraaq.

Safiirka ayaa sheegay dhinacyo kala duwan ay ku lug leeyihiin dhoofinta sharci darada ee Dhuxusha Soomaaliya, ayna dhaqaale ka helaan  kooxda Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

Markabka ayaa la sheegay inuu wato Document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumadda Ciraaq inay da dejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo Kiiska Markabka.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan uu ka baxay dekadda Kismaayo,  iyadoo dowladda Federaalka ay dacwad ka gudbineyso Axmed Madoobe oo laga cabsi qabo inuu ku lug yeesho ganacsiga sharci darrada ah ee Dhuxusha iyo taageerada Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON