Monday, July 14, 2025

Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis kala saxiixday (Socdaalkii Wasiirka A.Dibadda UAE)

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta  Sheikh Abdullah Bin Zayed Al-Nahyan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu Muqdisho yimaado, waxaana wafdiga Imaaraadka carabta ay kulan balaaran la yeesheen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

heshiis

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ay wehliyaan wasiiro fara badan oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Waxbarashada, Amniga Qaranka, Taliyaha Booliska iyo xubno ayaa kulan la yeeshay wafdiga Imaaraadka oo ka sokow wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ay ka mid ahayd Reem Al Hashimi Wasiiru Dowle ka tirsan xukuumadda Imaaraadka iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al Othman.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay  dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, “Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa abaal weyn  idinka hayaan mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Imaaraadka Carabta  Sheikh Abdullah bin Zayed ayaa isaguna ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya, “Waxaan dooneysnaa in in dalalka Khaliijka ay door weyn ku yeeshaan  Soomaaliya” ayuuna yiri.

Shir kale oo laba geesood ah ayaa la sheegay inay labada dhinac yeesheen, kaasoo si gaara looga hadlay baahida degdegga ah ee dowladda Federaalka dooneyso in laga caawiyo, waxaana la shaaciyay oo kaliya in heshiis dhinac duulimaadyada rayidka ah ay kala saxiixdeen labada dal.

 Wafdiga UAE ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo yimaada Muqdisho iyadoo uu hore u tegay caasimada Soomaaliya wasiirka arrimaha dibadda Qatar oo sidoo kale heshiis noocan oo kale ah ay dowladiisu hore ula saxiixatay Soomaaliya.

madax UAE (1)

madax UAE (11)

 

madax UAE (2)

madax UAE (3)

madax UAE (4)

madax UAE (5)

madax UAE (6)
madax UAE (8)

madax UAE (10)

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON