Thursday, June 26, 2025

Dowladda Federaalka oo diiday shuruudaha Ahlu sunna & Wadahadalkii oo dib u bilowday

Wahadalkii ka socday magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay Kooxda Ahlu suna iyo wafdiga wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa dib u bilowday saaka kadib markii shalay lagu kala kacay iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin, taasoo ka danbeysay shuruudo cusub oo Ahlu Sunna la timid oo intooda badan ku adkaaday wafdiga wasiir Odowaa.

ahlu-Sunna

Sida ay  sheegayaan wararka laga helayo Dhuusamareeb kooxda Ahlu sunna waxay la soo shir tagtay shuruudo cusub oo u muuqda kuwo aysan fulin karin dowladda Federaalka, waxaana ka mida qodobo ay ka mid yihiin in maamulka Gobolka Galgaduud Ahlu sunna yeelato, maleeshiyadeeda ah noqdaan ciidamada rasmiga ah ee maamulka gobolada dhexe,  iyo in 60% Baarlamaanka Gobollada Dhexe ay qaadato, waxaa kaloo shuruudaha ku jiray in Guddoomiyaha Guud Ahlusuna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ay dowladdu ka dhigto Muftiga Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sii wada dadaal uu ku doonayo in Ahlu sunna ay ka tanaasusho shuruudaha faraha badan ee ay wadato kuna biirto shirka maamul  usameynta goboladda dhexe, waxayna dowladda Federaalka diiday dhammaan shuruudihii Ahlu sunna, iyadoo ku adkeysaneysa in la fuliyo heshiiskii Guriceel ee Ahlu Sunna iyo wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka. Waxaa  laga cabsi qabaa in waanwaantu fashilanto.

Goobjoooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON