Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta berri ah ay tahay maalintii ugu dambeysay bisha Ramadan oo la buuxinayo 30-ka bisha.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cumar Cali Rooble oo ka hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa ku dhawaaqay in baaritaan dheer ka dib la waayay cid aragtay bishii Shawaal, sidaasina ay ku go’aamiyeen in Berri la soomo oo aanay ahayn Ciid.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa ku dhawaaqday in degaanadeeda laga arkay bishii Soonfur, ayna Berri u tahay maalintii koowaad ee Ciidul fitriga.
