Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigtay Markab si sharci darro ah uga kalluumeystay Badda Soomaaliya.
Markabkan oo muddo la daba joogay ayaa lagu qabtay dekad ku taalla Dalka Thailand, iyadoo Wasaaradu Kalluumeysigu sheegtay in halkaas lagu hayo markabka oo dacwad lagu soo oogi doono.
Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadda Badda ay qabatay Markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Soomaaliya.
Ma cadda qaabka loo qabtay Markabkan, cidda leh iyo sida ay ku suuragashay in la qabto, waxaana faafhaahinta laga sugayaa wasaaradda kalluumeysiga.
Goobjooge.com