Sunday, June 22, 2025

Dowladda Federaalka oo shaacisay sababtii Diyaaradda Turkish Airline ugu degi weyday Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababtii dhalisay in muddo dhowr maalmood ah ay diyaaradaha Shirkada Turkish Airline ku degi waayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa  sheegay in xaaladaasi ay ka dhalatay dabeyl badan oo ka jirtay Muqdisho.

“Diyaarada Turkish Airlines waxay u soo degi weyday waxay aheyd kaliya dabeysha oo xadkii loo ogolaa diyaaradaha Turkiga ka badnaa, marka ay diyaaradduhu dagayaana dabeyl ayaa dhinaca danbe kaga soo dhacda, haddii ay dhaafto xawaaraha ama xadkii loogu tala gala, looma ogola inay degto” ayuu yiri Wasiirka oo sheegau in arrintan ay tahay sharci u gaar ah shirkadda Turkish Airlines.

Ad

Shirkadda Turkish Airline ayaa muddo saddex maalmood ah toddobaadkii hore dib uga laabatay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqidsho, waxaase shalay u suuragalay inay ka degto garoonka.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON