Dowladda Soomaaliya ayaa fasaxday Shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka ah munaasabadda ciidul fitriga awgeed.
Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha dowladda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaciyay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa hey’adaha gaarka ah la fasaxay Saddexda maalin ee munaasabadda Ciida.
Waxaa sanadkaan maalmaha Ciida ka mid noqonaya iyo Munaasabada 26-ka June oo ah munaasabadda xoriyadda Gobolllada Waqooyi iyo is-raacii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA SHAQADA
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ay ku wargelineysaa dhammaan shaqaalaha hey’adaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hey’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa Ciidul Fitriga 2 maalmood iyo hal maalin oo ah maalinta xuriyadda ee gobollada Waqooyi 25-26-27 June 2017 oo maalinta 26 June loo soo raray maalinta Talaadada.
Sida ku cad sharciga shaqaalaha L. 11 Qod. 30aad, farqada 2aad iyo xeerka shaqada(Labour Code 65) ee soo baxay 18/10/1972dii, qodobkiisa 86aad Faqradiisa(b) in ay fasax yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalmahaas.