Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xil sare u magacawday Dhaqtar Caan ah

Dowladda Soomaaliya ayaa xil sare u magacawday Dhaqtarka caan ka ah magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka xilligan lala tacaalayo Cururka Coronavirus.

Dr. Maxamed Maxamuud Fuje ayaa la sheegay in loo magacaabay La-taliyaha Guddiga Qaran ee ka hortagga Coronavirus, isagoo Madax ka noqonaya Daawada Guud ee lagula lagula tacaalayo cudurka coronavirus, iyadoo magacaabidiisa ay qeyb ka tahay dadaalka loogu jiro in looga hortago cudurka oo dalka ku faafaya.

Dr. Fuje ayaa madax u ahaa Guddiga Wacyi-gelinta (Tala-bixiyaha Caafimaad ee COVID-29) ee ka hortagga cudurka Coronavirus, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, wuxuuna wax ku bartay Kulliyadda Daawada ee Jaamacadda Soomaaliya, Jaamacadda Sixada iyo Cudurrada Kulaalaha ee London, iyo shahaadada sare oo Umadda, kadibna ka qalin jebiyey jaamacadda Royal Postgraduate Medical School.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa saameyn xoog leh ku yeeshay musuqmaasuq ay u xiran yihiin agaasimihii guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha maamulka Maaliyadda, taasoo keenay in xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu la wareego howshii wasaaradda, gaar ahaan qorshaha ka hortagga cudurka Covid-19.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON