Saturday, July 12, 2025

Dowladda Imaaraadka oo 13 Dal oo Somaliya ku jirto ka joojisay Fiisaha dalkeeda (Akhriso sababta)

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa 13 Dal oo ay Soomaaliya ku jirto ka joojisay inay dalkeeda soo galaan oo la siiyo fiisaha dalkaasi laga bilaabo 18-ka Bishan Novembar.

Dalalkan ayaa intooda badan muslim ah, waxaana ka mida Iran, Syria, Somalia, Afghanistan, Libya and Yemen, Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan, Tunisia iyo Turkey, iyadoo warar ala duwan kasoo baxayaan sababta keenay inay go’aankan qaadato dowladda Imaaraadka.

Xogta la helay ayaa sheegaysa in arrimo amni dartood dadka kasoo jeeda 13-ka dal loogu diiday inay helaan dal-kugalka dalkaasi, iyadoo warar hore usoo baxay ay sheegeen in dalalka qaarkood loogu jiiday Visa-ha cudurka Coronavirus dartiis.

Ma jirto faahfaahin ay bixisay dowladda Imaaraadka tallaabada ay qaaday, waxaana la sheegay inay saameyn ku yeelan doonin dadka hore u heystay Fiisooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON