Wasaarada Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay warbixinta Guddiga xaqiiqo raadinta IGAD ee xiisadda Soomaaliya iyo Kenya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrmaha dibadda Jabuuti ayaa lagu difaacay Guddiga oo la sheegay in lagu magacaabay go’aan ay qaateen madaxda urur Goboleedka IGAD shirkoodii aan caadiga ahayn ee 38th kaasoo ka dhacay Jabuuti 20 Disembar 2020.
Jabuuti waxay sheetgay inuusan wax shaki ah ku jirin in Guddiga IGAD uu si xirfad iyo dhexdheaadnimo leh u qabtay howshii loo diray, iyadoo shaqadiisa lagu dhisay eedeyn uu madaxweyne Farmaajo u jeediyey Kenya o ahayd inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Warbixinta ayey wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti sheegtay in loo gudbiyey dhammaan madaxda dalalka IGAD iyo Xogheynta, isla amrkaana wixii tallaabo ah ee hore loo qaadayo si loo heshiisiiyo dallaka Soomaaliya iyo Kenya ay u taallo madaxda IGAD.
Dowladda Jabuuti oo aan soo hadal qaadin eedeyntii uga timid dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegtay inay u tagaan tahay xasiloonida iyo nabadeynt Gobolka, kuna bixisay dadaallo joogto ah.
