Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Japan oo Malaayiin Doolar siineysa Soomaaliya

Addis Ababa, 30 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad Midowga Afrika oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu kulanka socday wuxuu kulan la yeesahy wafdi ka socday dalka Japan oo uu hogaaminayay u qeybsanaha arrimaha caalamiga ee ra’iisul Wasaaraha Japan, Mr Kawai Katsuyuki oo ay ka wadahadleen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa.

Dowladda Japan ayaa kulankaasi uga dhawaaqday kaalmo dhaqaale oo gaareysa 37 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo loo adeegsan doono adeegyada aasaasiga, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa kale oo ay Japan dooneysaa inay xiriir dhow oo iskaashi iyo maalgashiba isugu jira la yeelato Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON