Saturday, July 5, 2025

Dowladda Kenya oo jawaab cad ka bixisay dacwadii dowladda Soomaaliya ee Muranka Badda

xeerilaaiye

Dowlada Kenya ayaa  gudbisay dacwad jawaab ah oo lagu beeninayo dacwadii Soomaaliya ee dhinaca Badda oo ay hore u gudbisay Guddiga xadeynta Badda ee maxkamadda Cadaaladda Q/Midoobay, waxayna Kenya ku doodaysaa  inay heyso caddeymo la xariira muranka xuduudda dhinaca badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee  Nairobi ka soo baxa Kenya waxay  caddeymahan  uu xeer ilaaliyaha qaranka Kenya Githu Muigai u gudbiyey guddigan fadhigiisu yahay magaalada New York, ay yihiin xog la ururiyay muddo toddoba sano ah.

Kenya ayaa dooneysa in xadka badda uu ahaado sida ay iyada u dooneyso oo ah in calaamadda xadka loo soo qalloociyo dhinaca Soomaaliya, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Kenya waxa ay horey u sheegtay inaysan sax ahayn dacwadda ay Soomaaliya u gubisay maxakamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, waxayna dooneysaa in arrintan lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamadda.

Xeer ilaaliyaha Kenya ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya gudinisay ay tahay mid waxba kama jiraan ah, Kenyana ay xaq u leedahay xuduudka Badda ee Soomaaliya sida ay tahay xuduudkeeda badda ee dalka Tanzania.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON