Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ u gudbisay jawaabteedii Dacwaddii Muranka Badda ee kala dhaxeysay Somalia.
Jawaabta Kenya oo iyadoo Qoraal ah uu shaaciyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayuu ku caddeeyay mar kalena ku celiyay go’aanka Kenya ee ah in Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo Wadahadal.
Githu Muigai ayaa ku doodaya in go’aanka Kenya waafaqsan yahay heshiisyada caalamiga iyo kuwa Goboleed, sida uu qoray Wargeyska Daily Nation Maxkamadda The The Hague ayaa la filayaa in ay Sheegto Qaabka Dacwadda looga hadlo bilowga Sanadka 2018.
Dacwadda muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filyaa inay waqti dheer jiitanto iyadoo Kenya ay dooratay inay xaaladda sii dheereysato kadib dacwadii Somalia gudbisay Bishii July 13 keedii 2015.