Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Kenya oo Jeneraal milateri usoo magacawday safiirka u fadhin doona Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ugu danbeyntii safiir rasmi ah u soo magacawday Soomaaliya, safiirkan oo ay jeneraal ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya oo shaqada ka fariistay waxaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

qaabilaad

Dowlada Kenya oo si toos ah arrimaha Soomaaliya u soo faragelisay wixii ka dambeeyay 2011, waxay wakiilo kala duwan ku leedahay maamulada Soomaalida iyadoo dhinaca kale muran dhinaca Badda ah uu kala dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya oo dacwad ka taallo maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Danijiraha cusub ee Kenya u fadhin doono  Soomaaliya, Maj. General Lucas Kyonze Tumbo (Rtd) wuxuu fadhigiisu noqon doonaa magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, waxayna Kenya ka mid ahayd safaaradaha degan Hotelka Jazeera ee dhowaan la weeraray.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Kenya waxay maanta is dhaafsadeen soo dhoweyn iyo kordhinta xiriirka labada dal, waxaana musaabadda safiirka Kenya waraaqihiisa aqoonsiga looga guddoomay goobjooge ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Khaalid Cumar Cali .

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON