Dowlada Kenya ayaa go’aan cusub qaadatay iyadoo joojisay dhammaan diyaarada uga yimaada ama u socda Soomaaliya.
Go’aanka Kenya oo saaka la ogeysiiyey shirkadaha diyaaradaha ayaa la sheegay inuu jawaab u yahay, kadib markii ay dowladda Soomaaliya joojisay diyaaradihii Qaadka ee ka imaanayey dalka Kenya, kadib heshiiskii ay dowladda Qatar kasoo shaqeysay ee lagu soo celiyey xiriirkii diblomaasi ee labada dal.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda duulista hawada dalka Kenya ayaa lagu hakiyey dhammaan duulimaadyadii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo maanta oo Talaado ah.
Xayiraadda duulimaadyadan ayaan saameyn doonin diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.
Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.
