Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar aan ka hadal lahayn oo lagu xirayo xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab iyo Kaakuma.
War kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa muddo 14 maalmood u qabtay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR inay la timaaddo qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda arrimaha gudaha.
Amarka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagu caddeeyay in Amarka lagu xirayo Xeryaha Qaxootiga Kenya ay aanay ka galeynin wax wadahadal ah, kaliyana laga rabo Hay’adda UNHCR inay la timaado qorshihii lagu xiri lahaa Xeryahaasi.
