Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku dartay Hogamiyeyasha Al-shabab ee Kenya [Akhriso]

Dawladda Mareykanka ayaa liiska aragixisada caalamiga ah ee l baadigoobayo nolol iyo Geeri  ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha sare ee Alshabaabka Kenya.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaadadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Maraykanku waxa uu sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawllgallada ururka eee gudaha Kenya, waxaana lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka in hawlgallada uu maleegay ay bartilmaameedsadeen weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee magaalada Ceel-Cadde.

Dhinaca kala dawladda Maraykanku waxay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa Kenya.

Waxa kale oo loo doonayaa inuu ku lug lahaa weerraradii dadka badan ku dhinteen ee sannadkii 2014-ka ee lagu qaaday Mpeketoni, Kenya weeraradaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON