Sunday, July 13, 2025

Dowladda Qatar oo Ciidamadeedii nabad ilaalinta kala baxday Xuduudka Jabuuti iyo Ereteriya

Dowladda Qatar ayaa ku dhwaaqday inay ciidamadeeda kala baxday xuduudka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Ereteriya.

Wasaaradda Arrimaha dibaddaa Qatar ayaa sheegtay inay go’aankeeda ku wargelisay dowladda Jabuuti, waxaana ciidamadaasi lagu qiyaasay inay gaarayaan 450 askari.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii labada dal ee Jabuuti iyo Ereteriya oo hore dagaal ugu dhex maray xuduudka ay la safteen Sacuudiga iyo Imaaraadka isla markaana ay hoos u dhigeen xiriirka ay la leeyihiin dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa waanwaan dhex dhigay dalalka Jabuuti iyo Erteriya sanadkii 2010, kadib dagaallo labada dal ku dhex maray xuduudka u dhaxeeya oo askar badan lagu dilay, laguna kala qabsaday maxaabiis.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON