Dowladda Qatar ayaa dacwad ka dhan dalka Imaaraadka Carabta u gudbisay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee International Criminal Court (ICJ).
Dacwadan ayaa ku eedeyneysa Imaaraadka Carabta inay falal ka baxsan xuquuqda aadanaha kula kacday dadka u dhashay dalka Qatar ee ku sugnaa Imaaaraadka, sida in laga joojiyo waxbarashada, caafimaadka iyo dalkaasi laga saaro qoysas la kala qeybiyay, waxaa kaloo dacwadda ku jira xayiraadda ay Imaaraadka saartay Qatar iyo ololeyaal lagu sumcad dilayo qaranimad Qatar oo ay maalgelisay
Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaaday Imaaraadka ay halis geliyeen shacabka dalka Qatar, isla markaana ka horjeedaan sharciyada caalamiga ah ee Xuquuqda Insaanka iyo xeerarka dowliga ah oo Imaaraadka laga doonayo inay u hoggaansanto.
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa ah tan ugu sarreysa Cadaaladda dunida ee Q/Midoobay, waxaana dacwadan ka timid Qatar ay ku wajahan tahay mid ka mida dalalka xayiraadda ku soo rogay ee afarta ah oo kala ahaa: Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.