Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Qatar oo ku dhawaaqday tallaabo sharciyo lagu siiyo Ajnabiga [Fursad loo hayo xirfadlayaasha]

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday tallaabo cusub oo deganaansho rasmi ah lagu siinayo dadka aan u dhalan dalkaasi ee khibrada leh.

Kulan ay yeesheen Golaha wasiirada dalkaasi oo uu guddoominayay Amiirka dalka Qatar ayaa lagu ansixiyay sharci dadka ajnabiga ah ee xirfadadaha leh u ogolaanaya inay deganaanasho rasmi ah ka helaan dalka Qatar.
Dadka dowladda Qatar ay qaadaneyso ayaa isugu jira aqoonyhannada kala duwan, saraakiisha ciidamada iyo dadka leh hibada gaarka ah. Dadkaasi ayaa heli doona waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaad iyo deganaansho. Waxay kaloo mudan doonaan shaqada dowladda kadib muwaadiniinta dalkaasi.
Sharcigan ayaa ogolaanaya in caruurta ay dhashay haweeney Qatari ah oo uu qabo qof ajnabi ah ay deganaansho rasmi ah ka helaan dalkaasi.

Wakaalada wararka Qatar ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi ay siin doonto sharci deganaansho rasmi ah dadka aan u dhalan Qatar marka ay buuxiyaan shuruudaha sharcigani sheegayo.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee ay ku dhaqaaqdo dowlad Khaliijka ah, waxaana dalalkaasi ka shaqeeya dad fara badan oo aan weligood loo ogolaan sharci degnaansho, waxaana xusid mudan sharciga ay ansixiyay Qatar aanay qofka deganaanshaha laga siinayo dalkaasi u baahneyn wakiil rere Qatar ah.

Dalka Qatar ayaa dadkiisa lagu qiyaasaa 2.7 Milyan oo qof, waxaana ka mida 300,000 oo muwaadiniin ah. Waxaana cabsi laga muujiyay in arrintan ay isbedel ku sameyso dalka yar ee qaniga ah.

Go’doominta ay dalka Qatar ku sameeyaan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa dhalisay in dalkan uu bedelo siyaasadiisii dadka ajnabiga ah, kadib markii dadka dalkaasi degan ay si la yaab leh u difaaceen Qatar xilligan ay xaalada adag soo wajahday.

Hore waxay dowladda Qatar sharciga dalkaasi u siisay dad fara badan oo caan ah sida culimada waaweyn, orodyahanadda iyo dad xirfado kala duwan leh.

Goobjooge/QNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON