Sunday, July 13, 2025

Dowladda Somalia oo Go’aan Culus ka qaadatay xiisadda Shiinaha iyo Mareykanka ee Taiwan

Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay Midnimada dalweynaha Shiinaha, iyadoo qaadatay go’aan ay ku garab istaagtay dowladda Shiinaha muranka kala dhaxeeya Taiwan oo taageero ka heysata Mareykanka.

War kasoo baxay Wasaarradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ee weli xilgaarsiinta ah ayey dowladda Soomaaliya si buuxda u garab istaagtay mowqifka siyaasadeed ee dowlada Shiinaha ee ka dhanka ah Taiwan.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka dalbatay in “Qaramada Midoobay ay ilaaliso midnimada, sharafta iyo wadajirka dhulka dowladda Shiinaha. iyo dalka Shiinaha oo mid ah”

Bayaanka dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay xili ay xiisad ka dhalatay safar ay afhayeenka aqalka wakiiladda ee Mareykanka, Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan. Dowladda Soomaaliya, ayaa u aqoonsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa saklka ku haya xiriirka ay Jasiirada Taiwan la sameysatay Maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON