Dowladda Soomaaliya ayaa is-barbar taagtay Boqorka dalka Jordan Cabdalla Bin Huseen oo qalaase ka heysto Gudaha qoyskiisa markii uu xabsi guri geliyey walaalkiis oo laga shakiyey.
War ay faafisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya si buuxda u taageereyso Boqor Cabdallaha, dalka Jordan. Boqorka ayaa xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay dalkaas.
“Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaray boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Arrimaga dibadda Soomaaliya.
Xiisadda ka taagan dalka Jordan ee u dhaxeysa qoyska talada dalkaasi haya ayaa timid markii Amiirka la xiray uu faafiyey muuqaalo uu ku eedeeyay madaxda dalkaasi musuq baahsan iyo maamul xumo.
Dalal badan oo carbeed ayaa taageeray Boqorka Jordan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka iyo Reer Galbeedka, heshiiska kula jira Isreal, waxayna Soomaaliya raacday dalalkaasi.
