Dowladda Somalia ayaa qalabkooda ciidam u dhameystirtay ururka Dal-dhis ee ka tirsan Guutada 14 Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la dhisay kadib Qaraxii weynaa ee ee Zope 14-ka Oktoobar 2017.
Bandhig ciidamada ururkaasi lagu kasoo muuqdeen ayaa ka dhacay xerada ay ku jiraan ee Jen. Gordon, iyadoo la sheegay inay loo dhameystirtay Qalabkii ay ku Howlgali lahayeen Ciidanka, sida Hubka, Gaadiidka dagaalka iyo Saadka, iyadoo la filayo inay howlgal ka dhan ah Alshabab ay dhowaan bilaabaan.
Taliye ku-xigeenka ciidamda xoogga dalka Jen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa tegay Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho oo ciidamadaasi ku jiraan, wuxuuna kula dardaarmay inay si wadajir ah uga qeyb qaataan howlgalada dalka Ka socdo.














