Sunday, July 6, 2025

Dowladda Somalia oo Qoraal Jawaab ah u codsigii Kenya u dirtay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ

Dowladda Soomaliya ayaa Qoraal jawaab ah u dirtay Maxkamadda Caddaaladda UN-ka ee ICJ, kadib markii Kenya codsadtay in markii afraad dib loo dhigo dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda xilka sii heysa Cismaan Abukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya qoraal u dirtay Maxkamadda ICJ, iyadoo ka horjeeda in dib loo dhigo qaadista Kiiska Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay inay Maxkamadda ICJ ka codsadeen inaan dib loo dhigin qaadista dacawadda, taasoo ka dhigan in cadaaladda la waayo ay tahay cadaaladda darro, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan yeeli doonin dib u dhigidda Dacwadda ee Kenya caadeysatay.

Wuxuu sheegay in Kenya ay duullaan ku tahay Qaranimada iyo Dhulka Soomaaliya, balse dowladdu ay diyaar u tahay in ay dalka difaacdo, ayna diyaar yihiin kooxdii qareenada Soomaalida.

Kenya ayaa hore ugu guuleysatay inay muddo 3 jeer ah dib u dhigto qaadista dacwadda Badda Somalia iyo Kenya ee taalla Maxkamadda ICJ, iyadoo markii afraad lagu wado in la qaado kiiskaasi 15-ka Bisha Maarso 2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON