Sunday, July 13, 2025

Dowladda Somaliya oo beenisay in gabdho ku biiri rabay DAACISH ay wateen Baasabooro Soomaaliyeed

Safaarada Soomaaliya ee magaalada Khartum ee dalka Suudaan ayaa si kulul u beenisay  warar ay qoreen wargeysyo kasoo baxa  dalka Suudan oo lagu sheegay in la qabtay gabdho kasoo jeeda dalka Sudan oo wata Baasaboorada Soomaaliya iyagoo ku sugan garoonka Shaariqa ee dalka Imaaradka Carabta.

Somali-dacish

Safiirka Soomaliya ee Khartum Maxamed Cabdulaahi Ugaas ayaa war uu soo saaray ku sheegay in wargeysyada Suudan wararka ay tabiyeen ay ahaayeen been abuur ah, isagoo caddeeyay in Baasaboorka Soomaaliya uu yahay mid Elektronic ah kana mid ah kuwa ugu wanaagsan basaboorada caalamka lana sameysan  karin.

Wargeysyada dalka Suudan ayaa qoray in afar gabdhood oo laba kamid ah ay ahaayeen Mataano oo ka tegay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum isla markaana watay Baasabooro Somali ah iyagoo lagu qabtay dalka Imaaraadka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON