Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo hor leh u daad gureyneyso Gobolka Gedo.
Ciidamdan ayaa maanta ka degay garoonka degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay qeyb ka yihiin xoojinta ciidamada dowladda ee la geynayo xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo xiisad culus u dhaxeyso.
Ciidamada la geynayo Gobolka Gedo ayaa ciidamada Kumaandooska ee Gorgor oo Turkigu tababaray, waxaana Garoonka Doolow kusoo dhoweeyey Taliyaha Howlgalinta Guutada 17aad Ee Gorgor Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Gobolka Gedo, Gudoomiyaha Degmada Dolow.





