Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qeybtii ugu horeysay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarray dalka Eritrea ay dalka soo gaareen maanta.
Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in ciidamadii ugu horeeyay ee ku maqnaa dalka Eritrea ay dalka yimaadeen, maalmaha soo socodana ay imaan doonaan inta harsan.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro alshabaab ee dalka ka socda, ayna imaanshahooda farxad u yahay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay socdaan dagaallada lagula jiro kooxaha Khawaarijta.
