Sunday, June 22, 2025

Dowladda Somaliya oo War kasoo saartay Howlgalka ATIMIS ee maanta ka bilowday Dalka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ansixinta waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS).

Qoraal lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Waajibka cusub ee ATMIS waxa uu ka tarjumi doonaa khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab iyo in la abuuro ciidamo badan oo guurguura si ay u taageeraan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya howlgallada.

Ad

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa xubnaha golaha taageeradooda intii ay socdeen doodaha farsamada, waxayna rajaynaysaa inay si dhow uga wada-shaqeeyaan xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee ATMIS-ka si loo gaarsiiyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON