Sunday, July 13, 2025

Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada oo saxiixday heshiis ay ku qeybsanayaan Kheyraadka dalka

wasirkabatrolka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku saxiixay heshiis ku saabsan is faham siyaasadeed oo laga gaaray in laga wada faa’ideysto kheyraadka dalka.

Wasiirka wasaaradda Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa sheegay in heshiiskaani uu qorayo in lasoo magacaabo guddi muddo 7 cisho ah gudahood ah, guddigaasna ay bil gudaheed kasoo shaqeeyaan qaabkii loo maamuli lahaa, loona maareyn lahaa shidaalka.

Heshiiska waa horudhac ah oo la rabo in looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka dalka, Soomaaliya waa dal la filayo inay ku jiraan kheyraad fara badan, ha noqoto shidaal, iyo macdan, marka in dowladda dhexe iyo maamulada hadda jira ay ka wada hadlaan qaabkii looga faa’ideysan lahaa, Dastuurka ayuu sheegay wasiirku inuu qorayo in dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada ka wadahadlaan arrimahaan.

Heshiiskan aya maanta gaareen dowladad federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa qoraya in la sameeyo guddi muddo toddobaad ah gudahiis, guddigaasna ay kasoo shaqeeyaan muddo Bil ah qaabkii loo maareyn lahaa, loona maamuli lahaa shidaalka, taasina ay furo u noqoto qaabkii Soomaaliya kheyraadkeeda uga faa’ideysan lahayda yuu ku dooday wasiirka Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

Ma cadda heshiiskan iyo waxa uu ka bedeli doono maamulada dalka ee iskood heshiisyada caalamiga ah ula galo shirkadaha shidaalka  baara sida Puntland, waxaase muuqata in Baarlamaanka federaalka Baarlamaanka uu bannaanka ka taagan yahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON