Monday, June 23, 2025

Dowladda Soomaaliya ma xukuumad la’aan ayay heshiisyo la saxiixan doontaa Turkiga?

Dowladda Soomaaliya oo aan lahayn xukuumad rasmi ah kadib markii xukuumadii hore ay kalsooni ka weysay Baarlamaanka ayaa marti gelin doonta wafdi culus oo ah kii ugu heer sareeyay ee booqda dalka. Wafdigan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Ordogon kana kooban wasiiro, madaxda hay’adaha dowladda ganacsato iyo shirkado waaweyn.

Ka sokow in madaxweynaha Turkiga uu furi doono mashaariic dhowr ah oo laga hirgeliyay Muqdisho waxaa hadda la filayaa inay heshiisyo cusub oo horumarin dowladda Turkiga dooneyso inay la saxiixato Soomaaliya. Heshiisyadani qaanuun ahaa waxaa loogu talogalay inay wada saxiixdaan wasiirada labada dal ee ay quseyso, iyadoo wasiirada xilka sii haya aanay awood u lahayn.

Xasan_Sheekh_Recep_Erdogan

Ad

Madaxweynaha ayaa hore u soo saaray xiligii khilaafka siyaasadeed socday wareegto uu ku caddeeyay inaan wax isbedel ah lagu sameyn karin mas’uuliyiinta dowladda. Madaxtooyada Soomaaliya oo xiligan gacanta ku heysa dhamaan dhaqdhaqaaqyada dowladda oo dhan ayaan la ogeyn waxa ay sameyn doonto; inkastoo looga fadhiyo inay gelin wax heshiis ah inta xukuumada cusubi ka dhalaneyso.

Heshiis iskaashi ciidan oo dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah kan kaliya oo si sharci ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay, iyadoo heshiisyada kale sida maamulka Dekadda iyo Garoonka Muqdisho uu muran weyn ka taagan yahay laguna xaglinayo in qaab siismo ah ay madaxtooyadu u bixisay.

Wasiirada qaarkood siiba kuwa gacansaarka la leh madaxweynaha ayaa u shaqeeya sida inay yihiin wasiiro rasmi ah, waxayna iska wataan howlahoodii caadiga ahaa sida magacaabid safiiro, waxaana laga yaabaa inay isla arrintaasi dhacdo inta wafdiga culus ee Turkigu dalka joogo.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON