Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ciidan la’aan gacanta ku dhigtay Markab kalluumeysi sharci darro ah [Sawirro]

Dowladda Soomaaliya ayaa loo gacan geliyay Markab si sharci darro ay uga kalluumeysanayay Soomaaliya oo lagu qabtay xeebaha dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Kalluumeysiga Soomaaliya Siciid Jaamac Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay markab si sharcidarro ah  uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya kaasoo lagu qabtay xeebaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Qabashada markabkan ayuu sheegay inay iska kaashadeen Urur Caalami ah oo ka dhisan ilaa iyo 8 dal oo iska kaashanaya la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah ee xeebaha kaasoo dhowaan ay Soomaaliya ku biirtay.

Markabkan ayaa la sheegay inuu dalo biyaha dalka Cumaan, isla markaana ciidamo la’aan ay ku guuleysteen qabashada markabkani, kaasi oo siday Kalluun gaaraya ilaa 30 Tan. Dowladda Soomaaliya ayaa Markabka ku ganaaxday lacag gaaraysa 65,000 oo dollar.

DAAWO SAWIRRADA

markab-kall-5

markab-kall-4

markab-kall-3

markab-kall-2

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON