Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo gurmad Saanad Milateri ah u dirtay Maamulka Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay gurmadii ugu horeeyay u direyso maamul goboleedka Puntland kaasoo ah saanad milateri.

Laba diyaaradood oo ay raran yihiin saanad ciidam oo isugu jirta hub iyo rasaas ayaa lagu wadaa inay galabta gaaraan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo ay ka duuleen magaalada Muqdisho oo tan iyo saaka ay soo baxayeen wararka ku saabsan qorsheynta Saanada ciidan ee lagu taageerayo ciidamada Puntland.

Arrintan ayaa ka dambeysay xiriir dhex maray taliska ciidamada Puntland iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ay Puntland ku dalbatay inay u baahan tahay saanad ay baahi weyn u qabto, waxaana hore madaxweynaha maamulkaasi C/weli Gaas u sheegay inay u baahan yihiin taageero qalab iyo hub ah sida loo siiyo ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON