Wednesday, July 9, 2025

Dowladda Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la gashay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF)

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Sooamliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) iyo wafti uu hogaaminaayay ayaa magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya kulan socday 30 March-5-ta April la yeeshay wafdi ka socday Hay’ada Lacagta Adduunka ee loo yaqaano (IMF)

Ugu horayntii wafdiga IMF oo uu hogaaminaayay Mr. Rogerio Zandamela ayaa sheegay in uu aad usoo dhaweyey horumarada dhanka maamulka maaliyadda ee dowlada Soomaaliya ay ku talaabsatay mudooyinkii ugu danbeeyey.

“Tan iyo 2012, Dowladda Soomaaliya waxay ku talaabsatay horumar wax ku ool ah oo ku aadan dib-u-dhiska hay’adaha dhaqaale ee dalka iyo dib-u-soo noolaynta adeegyada dowladeed. Inkastoo horumarkaas baaxad leh la gaaray, haddana amniga dalka wali waxaa ka jira caqabado, sidaas daraadeed Hay’adaha dowladda waxay u baahan yihiin dib-u-habayn baaxad leh, oo la joogteeyo dib-u-dhiska Soomaaliya waa in lahelaa taageero horumarineed oo joogto ah….”

“Inkastoo ay xaalado adag dalka ka jiraan, haddana dedaalka dowladda waa mid mira dhalaya. Horukaca dhaqaalaha 2015tii waxaa lagu qiyaasay 3.7%, halka sicir-bararka 1% lagu qiyaasay. Si kastoo ay tahayba, dhibaatooyinka dagaalku keenay ayaa wali caqabad ku ah kor u qaadista dakhliga dowladda iyo gaarsiinta dadka adeegyada dowladda….” ayuu yiri mr. Gogerio Zandamela

Dowladda Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la gashay IMF

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Maxamed Aden Ibraahim Farketi ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la tacaalida dhamaan dhibaatooyinka dalka ka jira ayna xaqiiijinayso dedaalka loogu jiro hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee dalka, xoojinta adeegyada maaliyadeed iyo dib-u-noolaynta nidaam maaliyadeed oo isla xisaabtan ku dhisan.

“Si dadaalka dowladda ay wado loo dhiiro geliyo, dowladdu waxay heshiis dayn cafin ah la gashay hay’adda Sanduuqa Caalamiga ah (IMF) kaas oo ka bilaami doona May 2016. Heshiiskaan oo fulintiisa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya wuxuu horseed u noqon karaa in daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.4 Billion oo Dollar, qaarkeed laga cafiyo….” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Heshiisku waxuu dhanka kale diiradda saarayaa xoojinta siyaasadaha kor u qaadidda habsami u socodka maamulka maaliyadda, xoojita hay’adaha dowladda, kaabidda horumarka hay’adaha dhaqaalaha ee dalka, wax ka qabashada lacagta Shilling Soomaaliga oo duugoowday, xoojinta awoodda Bankiga Dhexe oo uu ku yeelan karo ilaalinta Xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee dalka.

Hadaba fulinta heshiiskaan ayaa Soomaaliya u saamaxaya in ay hesho taageero dhaqaale iyo maalgalin heer caalami ah. Wuxuuna u horseedayaa in ay heshiisyo laba-geesood ah oo Soomaaliya la gasho wadamada deeq bixiyayaasha dunida. Shirka ayaa sidoo kale diirada lagu saarayey sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay wuxuuna gogol xaar u ahaa shir 12-ka April ka dhacaya magaaladda Washington ee cariga Maraykanka kaas oo dhex mari doono Hay’ada Caalamiga ee Sanduuqa Aduunka iyo Dowaladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON