Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Xariga Sawir-qaadaha caanka ah ee Mukhtaar Nuur

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xariga sawirqaade caan ka ahaa baraha bulshada oo ciidamada sirdoonka ay ku xireen magaalada Muqdisho.

Sawirqaade Mukhaar Nuur ayaa maalintii saddexaad ku jira xabsiga NISA ee Godka Jilacow, iyadoo wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya uu goor dhoweyd sheegay in xariga Mukhtaar Nuur aanu la xiriirin saxafinimadiisa.

“Hay’adaha Amniga waxey noo xaqiijiyeen in Xariga Mukhtar Nur uusan aheyn arrimo la xiriira xirfadiisa saxaafadeed, waxaa socda baaris..” ayuu yiri wasiirka warfaafinta C/raxmaan Cusmaan Yariisow oo aan haddana sheegin waxa loo heysto sawirqaadaha, marka laga reebo inuu baaritaan socdo.

Waxaa la yaab leh in qof la xiro kadibna dowladdu sheegto inay baareyso, iyadoo aan la sheegin sababtii loo xiray muddo saddex maalmoo ka badan oo xabsi lagu hayo, halka sharcigu ogol yahay 48 saacadood.

Dad badan ayaa baraha bulshada u adeegsanaya olole ay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha uga dalbanayan in la sii daayo Mukhtaar Nuur.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON