Sunday, July 13, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay Berri bilaabaneyso Bisha Ramadaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu danbeyn ku dhawaaqday in maalinta Berri ah Sabti oo ku beegan 02-da April 2022 ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Madaxda Wasaaradda arrimaha diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda ayey mudo dheer ku qaadatay xaqiijinta Bisha ayaa warbaahinta dowladda looga dhawaaqay in Bisha laga arkay meelo ka mida dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ayaa soo xigatay qofka ka arkay degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose, qofkaas oo la dhaariyey. Waxaa kaloo ay sheegeen in laga arkay meelo ka mida Gobollada dalka.

Hore waxaa inay Soon tahay Beri sidoo kale ku dhawaaqay Alshabaab, iyadoo maamullada Somaliland iyo Puntland ay shaaciyeen inay Berri tahay Shacbaan oo aan la arkin bishaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON