Markabkan deeq ah siday 11,000 tan oo isugu jirta cunto ayaa ku soo xirtay Dekadda Muqdisho, isagooo ka yimid dalka Turkiga oo ugu deeqay dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in deeqdan ay ugu talo gashay in la gaarsiiyo goboladda dalka ee dhibaatoyinka ka jidaanm waxaana Markanka deeqda la wareegtay Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Baker oo warbaahinta kula hadlay Dekadda Muqdisho ayaa sheegay in gargaarkan ay ugu talo galeen shacabka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo dadka mudan ee u baahan.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dowladu si siman gargaarkan ay ugu qeybin doonto dadka Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyey dowlada iyo shacabka dalka Turkiga.
DAAWO SAWIRRO