Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay laba diyaarad oo saanad ciidan ah u dirtay maamulka Puntland si loogula dagaalamo kooxda Alshabaab ee duulkaana dhinaca badda ah ku qaaday degaanada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sagootiyay diyaaradaha siday hubka noocyadiisa kale duwan iyo agabyo kale oo ciidan.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cali Baashi Maxamed yaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay mar kasta garab taagan yihiin Puntland iyo ciidanka xoogga ee qeybta 54-aad ee ku sugan deegaannada Puntland hadii loo baahdana cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga loo diri doonaan Puntland.
Wasiir Mareeye ayaa ku bogaadiyay ciidanka Qaranka Soomaaliyeed geesinimadda iyo kartida ay nabad diidka kula dagaalaamayaan islamarkaana ay cadowga dalka kaga difaacayaan.
Goobjooge.com