Monday, June 23, 2025

Dowladda Soomaaliya oo malaayiin Doolar ku bixineya abaaraha Soomaaliya (Halkee ka imaaneysaa?)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhaqaale ku taageereyso gargaarka loo fidinayo abaaraha ka jira dalka.

Shirka jaraa’id oo maanta ka dhacay  magaalada Cadaado ayuu Wasiirka arrimaha
gudaha C/raxmaan Odowaa ka sheegay in dowlada Federaalka  lacag gaareysa 3-milyan oo Doollar ku taageerayso gurmadka abaaraha ee dalka ka socda.

Dowladda  Soomaaliya ayaa marar hore u balanqaaday taageero iyo dhaqaale ay ku bixineyso abaaraha dalka iyadoo aan la arag meel lacagahaasi ay mareen.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo shaqaalaha dowladda iyo ciidamada aysan helin mushaar muddo ka badan 6 bilood, halka qaarkood aysan qaadan mushaar 5 bilood oo xiriir ah.

Dowladda ayaa waajib loogu leeyahay inay dadkeeda dhibaateysan taageerto, waxaana la yaab leh in ay ku dhawaaqdo taageero ay siineyso dadka Soomaalida ah, sida dalal dibadda ah iyo ururada deeqa bixiya oo kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON