Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Soomaaliya oo safiir cusub u diray Dalka Raashiya

Safiirka cusub ee Dowlada Federalka Soomaaliya u magacawday dalka Ruushiya ayaa ku sii jeeda magaalada Moosko. Safiir Cabdullahi Maxamud Warsame oo hore u ahaa hormuudkii Jaamacada ee Kulliyada Farsamada iyo Ganacsiga ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya uga wakiil noqda dalka Raashiya.

Safiirka cusub Danjire Cadde si wanaagsan u yaqaan dalka Ruushka isagoo wax ku soo bartay dalka Ruushka. Wuxuuna bedeli doonaa Maxamed Maxamuud Xandlle oo tan iyo sanadkii 2007dii ahaa wakiilka xukuumada Soomaaliya ee dalka Ruushka.

XAFLAD SAGOOTIN AH OO MUQDISHO LOOGU SAMEEYAY WAXAA QORMO KOOBAN KA QORAY DANJIRE YUUSUF GARAAD


Danjire Cadde oo Moscow u ambabaxaya

 safiir cadde
Bisix Gen. Muuse, Wasiir Cabdulqaadir, Danjire Cadde

Waxaan caawa ka qeyb galay Xaflad lagu sagootiyay looguna duceeyay Danjire Cabdullaahi Warsame oo dhowaan ka howlgelaya magaalada Moscow.

Danjire Cabdullaahi oo ay dad badani u yaqaannaan Cadde Duqow, waa Aqoonyahan muddo aad u dheer ahaa Macallin Iskuul, mid Jaamacdeed iyo weliba Hormuudka Kulliyadda Farsamada iyo Ganacsiga (Polytechnics).

Waxaa uu hore wax ugu soo bartay dalal uu Ruushku ka mid yahay.

Xafladda waxaa ka soo qeyb  galay Wasiirro, Xildhibaanno, Generaallo iyo Madax kale oo badan oo Dowladda ah, Shiyuukh, abwaanno, aqoonyahanno kale, haween iyo dhallinyaro.

Xafladda oo lagu qabtay Hotel Jazeera, waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo U-qeybsanaha Arrimaha Militeriga ee Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, General Muuse Abtiyow, oo ay Danjiraha wax ku soo wada barteen Ruushka, ayna saaxiib ahaayeen dhowr iyo afartan sano. Khudbadii Muuse Abtiyow waxay noqotay mid taabatay dad badan oo uu ka mid yahay Danjiruhu.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON